Ballamaha fiidiyowga: Waa wax caadi noqday, daryeel heersare ah oo la adeegsado intarnet iyo taleefan, shaashadda xalleefsan ama kambuyuutar
Barnaamijka ballamaha fiidiyowga ee isbitaalka Children’s Minnesota, waa mid aad ku qabsan karto ballan ah wiisiteynta intarnetka si aad ugula kulanto shaqaalaha caafimaadka adigoo gurigaaga jooga – ama jooga meel kale oo idinku habboon – iyo iyada oo uusan idinku bixin wax kharash ah oo ah imaanshaha isbitaalka.
Inta ay socoto ballanta caafimaadka fiidiyowga ah, bukaanka iyo shaqaalaha daryeelka caafimaadka waa ay is arki karaan, waa is maqli karaan, sidii dad wada jooga, oo si caadi ah isugu dhow. Fadlan shaqaalaha isbitaalka weydii haddii ay kuu fiican tahay ballan caafimaad oo ah fiidiyow.
Ballamaha caafimaadka fiidiyowga waa ballamo caadi ah oo la qabsado saacadaha caaddiga ah ee isbitaalka. Waa ballamo aad fool-ka-fool kula kulmeysid dhakhtar adigoo isticmaalaya fiidiyow ammaankiisu adag yahay.
Ballamaha caafimaadka fiidiyowga kharashkoodu waa kuwa la mid ah marka la yimaado oo kale oo ceymisyada caafimaadka badankoodu lacagta waa ay bixiyaan.
Daryeelka kale ee fiidiyow ahaanta lagu helo waa Adeegga Bulshada, Turjubaan, Nafaqada, Caawinta dhaawaca iyo Shaqaalaha Daaweynta Guryaha. Waxa kale oo daryeelka fiidiyowga lagu heli karaa isbitaalka, kilinigyada gudahooda iyo sidoo kale guryaha.
Waxa aad u baahan tahay ee ballanta fiidiyowga intarnetka ah
Bukaanku waa in uu Minnesota ku nool yahay wakhtiga ay dhaceyso ballanta caafimaadka fiidiyowga ah. Sharciyada la xiriira ballanta fiidiyowga waa kuwa maalin kasta isla beddelaya xanuunka dunida ku faafaya ee COVID-19, sidaas awgeed fadlan kala xiriiri kilinigga haddii aad daryeel rabto adiga oo jooga meel ka baxsan Minnesota.
Bukaanku waa inay ballan ah fiidiyow ku xiran intarnetka soo galaan haddii aan laga beddelin.
Waa inay fariistaan meel u gaar ah oo iftiin leh, oo ma aadi karaan goobo kafee lagu cabbo.
Waa in la isticmaalo qalabka casriga ah ee fudud (taleefan ama aalad xaleef ah) oo sida ugu fiican. Haddii aysan aaladdaadu ku xirneyn intarnetka (Wi-Fi) khadka taleefanka ayaad isticmaali kartaa. In uu taleefanku leeyahay khad aan xad lahayn ayaa kuu fiican.
Haddii aadan taleefanka isticmaali karin, waxaad isticmaali kartaa kambuyuutar caadi ah ama midka yar ee dhabta la saarto, balse waa inay leeyihiin kaamerad, makarafoon, sameecad, iyo in aad haysato intarnet. Waa inaad haysato mid ka mid ah barnaaijyada lagu galo intarnetka ee kala ah Google Chrome ama Safari.
Ballantaada fiidiyowga ee dhakhtarka
Haddii aad haysato waxa lagaa rabo oo dhan, halkan hoose ka dooro kilinig caadi ah ama mid takhasus ah, tilmaamaha iyo taleefanka aad la xiriireyso si aad u qabsato ballanta fiidiyowga.
-
Children’s Minnesota Primary Care Clinic – Hugo
-
Children’s Minnesota Primary Care Clinic – Minneapolis
-
Children’s Minnesota Primary Care Clinic – St. Paul
-
Children’s Minnesota Primary Care Clinic – West St. Paul
-
Children’s Minnesota Partners in Pediatrics Primary Care Clinic – Brooklyn Park
-
Children’s Minnesota Partners in Pediatrics Primary Care Clinic – Maple Grove
-
Children’s Minnesota Partners in Pediatrics Primary Care Clinic – Plymouth
-
Children’s Minnesota Partners in Pediatrics Primary Care Clinic – Rogers
-
Children’s Minnesota Partners in Pediatrics Primary Care Clinic – St. Louis Park (Calhoun)
See instructions for scheduling with this clinic below.
-
Takhasus ah xanuunnada ku wada dhaca neefsashada iyo qeybaha sare ee dheefshiidka
-
Neefta
St. Paul: 651-220-6700 | Minneapolis: 612-813-6107
-
Habdhaqanka Maskaxeed
St. Paul: 651-220-6720 | Minneapolis: 612-813-8455
-
Kansarka iyo Xanuunnada Dhiigga
-
Cleft and Craniofacial
-
Jugaha Maskaxda Gaara
St. Paul: 651-356-6080 | St. Paul: 651-220-6705
-
Xanuun dhaxal ah oo aafeeya xubnaha uurkujirta iyo neefsashada
-
Takhasuska carruuraha qaba cillado la xiriira koboca maskaxda, sida agnaanta ama ootiisam, kuwa qaba khalkhaallinimada, fahma-darrada, habdhaqanka maskaxeed iyo kuwa kale.
Minneapolis: 612-813-6300
-
Takhasuska Nafaqada
Minneapolis and St. Paul: 612-813-6777
-
Kilinigga takhasuska kala-dhimmanaanta lagu dhasho oo ah kuwa jir ahaaneed ama kuwa maskax ahaaneed
-
Takhasuska Dhegaha, Sanka iyo Cunaha (ENT)
-
Cunta-xumada Noqoto Cillad
St. Paul: 651-220-6000 | Minneapolis: 612-813-7179
-
Takhasuska Dheecaanka Qanjirrada iyo Sokorowga
-
Takhasuska Dabiibidda Cunto-cunista
Minneapolis and St. Paul:651-220-6446
-
Caafimaadka Arrimaha Jinsiga Gudihiisa
-
Daaweyn ah Baarista Xanuunnada Hidde-raaca
-
Takhasuska Haweenka
-
Kilinigga Wadnaha
Minneapolis: 612-813-8800 | St. Paul 651-220-8800
-
Daryeelka Guriga
-
Difaaca Jirka
-
Cudurrada Faafa
-
Daaweyn Isku-dhafan
-
Xarunta Daryeelka Hooyada iyo Ilmaha Uur-jiifka ah ee Midwest
-
Xarunta Macluumaadka Caafimaadka Carruurta ee Midwest
St. Paul: 651-220-6750
-
Takhsuska Kelyaha
Minneapolis: 612-813-6000 | St. Paul: 651-220-6000
Kidney Diseases and Hypertension (Nephrology) Clinic: 612-813-6089 -
Takhasuska Neerfaha
St. Paul: 651-356-6080 | St. Paul: 651-220-6705
-
Qalliinka Neerfaha
Minneapolis, Minnetonka and St. Paul: 651-220-5230
-
Kilinigga La-socoshada NICU
-
Lafaha
Minneapolis (Inpatient): 612-813-6000 | St. Paul (Inpatient): 651-220-6000
Minneapolis and St. Paul (Outpatient): 651-220-5700 -
Daaweynta Xanuunka Jirka iyo Daryeelka Bukaanka Qaba Xanuunnada Daran ee Geeri Keena
-
Adeegyo Farmashiye
Minneapolis: 612-813-6210 | Outpatient pharmacy: 612-813-7290
St. Paul: 651-220-6944 | Outpatient pharmacy: 651-220-6944
Home care pharmacy: 612-813-7206
-
Takhsuska Daawooyinka iyo Falgalkooda Unugyada Jirka
-
Adeegyo ah dabiididda Jirka daawo la’aan iyo Baxnaanin
Lakeville: 952-992-6700 | Minnetonka: 952-930-8630
Maple Grove: 763-416-8700 | Roseville: 651-638-1670
St. Paul: 651-220-6880 | Woodbury: 651-726-9160 -
Dhimirka
St. Paul: 651-220-6894
-
Cilmi-nafsiga
Minneapolis: 612-813-8455 | St. Paul: 651-220-6720
-
Sambabbada
Minneapolis | Minnetonka | St. Paul
-
Daryeelka Habdhiska Neefshada
Minneapolis: 612-813-6705 | St. Paul: 651-220-6350
-
Cilladaha Hurda-xumada
See instructions for scheduling with this specialty below.
Taleefan kula soo xiriir kilinigga kore si aad ballan fiidiyow ah u qabsato. Haddii aad turjubaan u baahan tahay, fadlan noogu sheeg taleefanka. Kilinigga ayaa kuu soo diri doona ballantaada fiidiyowga ah, sida linkiga aad ka soo galeyso ballanta oo laguugu soo diri doono Kadinka aad ka gasho intarnetka ee MyChildren’s account (sida la doorbido), ama waxaa laguugu soo diri doonaa boostadaada intarnetka (email).
Ballantaada fiidiyowga ee kuugu horreysa ee koowaad
- La soo deg oo diyaarso barnaamijka fiidiyowga ee Vidyo. Ogsoonow: HA gelin cinwaanka kadinka intarnetka laga galo haddii lagu weydiiyo.
- Kambuyuutarka yar ee dhabta la saarto ama mid weyn: VidyoDesktop
- Taleefanka ama xalleefka: La soo deg oo gasho LABADABA VidyoMobile iyo VidyoConnect. (Waxaan u kala guureynaa laba hab oo ah xiriir muuqaal ah. Si aan u hubsato inaad ballantaada diyaar u tahay, la soo deg labadaba oo dhakhtarka ayaad ka heleysaa tilmaamo dheeraad ah midda aad isticmaaleyso maalinta aad ballanta la leedahay.)
- Barnaamijka Android: VidyoMobile, VidyoConnect
- Barnaamijka Apple: VidyoMobile, VidyoConnect
- Hadda adiguba tijaabi adigoo raacaya tilmaamaha tijaabinta ah.
- Hubso in aad ballan leedahay adiga oo eegaya santuuqa farriimahaaga ee MyChildren’s Message InBox ama boostadaada intarnetka linkiga ballanta. Taleefan kula soo xiriir kilinigga haddii aadan linkigaas helin ama aad weydo. Ogsoonow: Macluumaadka ballanta iyo linkiga waxaad ku darsan kartaa jadwalkaaga taariikhda.
- Diyaarso daawooyinka ilmaha iyo arrimaha feylka caafimaadka.
- Haddii aad rabto in ay dad qoyska ka mid ah ku soo biiraan ballantaada fiidiyowga waa in ay haystaan barnaamijka fiidiyowga ee Vidyo oo adigu ugu sii gudbi linkiga boostada intarnetka (email) ama qoraal taleefan ah. Ha ku soo biiraam 5 ilaa 10 daqiiqo ka hor ballantaada fiidiyowga.
Maalinta ballantaada fiidiyowga ee dhakhtarka
Tilmaamo faahfaahsan oo la daabacan karo: Kambuyuutar weyn ama mid yar, Taleefan casri ah ama xalleef
- Iska hubso tijaabiso ah gelidda fiidiyowga (tilmaamaha kor ka eego).
- Ballantaada wiisiteynta fiidiyowga ee ay kiliniggu kuugu soo direen kadinkaaga intarnetka ee MyChildren’s Message InBox ama boostadaada intarnetka (email). Degdeg ula xiriir kilinigga haddii aad heli weydo linkigii ballantaada.
- 5 ilaa 10 daqiiqo ka hor ballantaada, guji linkiga si aad u sii gasho ballantaada daryeelka ah ee fiidiyowga.
- Sug in inay fiidiyowga kuu soo galaan shaqaalaha Children’s Minnesota.
Caawimaad miyaad rabtaa?
Fadlan taleefan kula xiriir kilinigga haddii aad su’aal ka qabto ballanta ama aadan heli karin linkiga aad ka soo galeyso ballanta booqashada.
Wixii su’aalo ah oo ku saabsan kadinkaaga intarnetka ee MyChildren’s account, soo garaac 877-621-8014.
Wixii caawimaad farsamo ah oo ku saabsan ballantaada fiidiyowga, soo garaac 952-992-5400.
Waad ku mahadsan tahay in aad ilmahaaga daryeelid u keensato isbitaalka Children’s Minnesota.
Sameysiga ballanta fiidiyowga ah
- Taleefan kula soo xiriir kilinigga kore si aad ballan fiidiyow ah u qabsato.
- Haddii aad turjubaan u baahan tahay, fadlan noogu sheeg taleefanka.
- Kadinka intarnetka ee MyChildren’s waa in laga soo galo ballamaha wiisitada fiidiyowga ee kiliniggan. Si aad kadin intarnetka ah uga hesho MyChildren’s, ka codso shaqaalaha diiwaangelinta bukaanka ee kilinigga ama soo garaac taleefanka Maamulka Macluumaadka Caafimaadka Isbitaalka ee Children’s Minnesota 612-813-6216.
- Maalinta ballantaada, soo gal kadinkaaga intarnetka 10 ilaa 15 daqiiqo ballanta ka hor si aad isu xaadiriso ballantaada fiidiyowga.
La soo deg waraaqda nooca PDF ee hoose si aad uga hesho tilmaamaha aad isugu diyaarineyso gelidda ballantaada fiidiyowga.
Ka hor ballantaada fiidiyowga
- Tijaabi kambuyuutarka, xalleefka ama taleefanka goor hore haddii ay suuroobeyso oo la soo deg/soo dejiso wixii hagaajin u ah ama cusub. Sida ugu fudud ee aaladda lagu tijaabin karo waa in aad sameyso tijaabin ah Hubinta Qalabka ama Tech Check (Hubinta Qalabka) Tilmaamo la daabacan karo
- Soo diyaarso daawada ilmaha, waraaqaha caafimaadka, jawaabihii baaristii ugu dambeysay oo sii eeg culeyska iyo cabbirka ilmahaaga.
- Soo gudi wixii ah sawir/sawirro kiliniggu ku weydiiyey si aad u isticmaasho kadinka intarnetka MyChildren’s adiga oo raacaya tilmaamaha.
- Soo gudbi wixii foomam ah oo uu kiliniggu soo codsaday.
- Haddii aad rabto in ay xubno kale oo qoyska ka mid ah kula soo galaan ballanta fiidiyowga, boostadooda intarnetka ama farriin taleefan ugu soo dir isbitaalka Children’s Minnesota si ay shaqaaluhu ugu casuumaan ka dib markaad soo gasho ballantaada fiidiyowga.
Caawimaad miyaad rabtaa?
- Fadlan soo garaac taleefan kor ku qoran haddii aad su’aal ka qabto ballantaada wiisitada isbitaalka ee fiidiyowga ah.
- Wixii su’aalo la xiriira xagga farsamada, soo garaac 877-621-8014.
Tilmaamaha
Taleefan kula soo xiriir kilinigga kore si aad ballan fiidiyow ah u qabsato. Kilinigga ayaa farriin ah tilmaamaha aad raacayso kuugu soo diri doona Kadinka aad ka gasho intarnetka ee MyChildren’s account (sida la doorbido), ama waxaa laguugu soo diri doonaa boostadaada intarnetka (email).
Fadlan ballanta ka hor diyaarso daawooyinka iyo arrimaha feylka caafimaadka.
Fadlan taleefan kula xiriir kilinigga haddii aad su’aal ka qabto ballanta ama aad weydo linkiga aad ka soo galeyso ballanta booqashada.
Tilmaamaha
Taleefan kula soo xiriir kilinigga kore si aad ballan fiidiyow ah u qabsato. Waxaa laguu soo diri doonaa macluumaadka aad ballanta ku soo geli doonto.
Fadlan ballanta ka hor diyaarso daawooyinka iyo arrimaha feylka caafimaadka.
Fadlan taleefan kula xiriir kilinigga haddii aad su’aal ka qabto ballanta ama aad weydo linkiga aad ka soo galeyso ballanta booqashada.